Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo maanta u dabaal-degaya sanad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskooda.

Taliyaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka doorkooda muhiimka ah ee ay kaga jiraan difaaca qaranka, ilaalinta hawada dalka, iyo ka qeyb-qaadashada howlaha amniga iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta u dabaal-degaya xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ku boorriyay Ciidanka Cirka inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana xoojiyaan wadajirka iyo heeganka ay u hayaan difaaca dalka, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo la aas-aasay 15-kii Feberaayo sanadkii 1960-kii, ayaa muddo dheer laf-dhabar u ahaa difaaca hawada dalka, inkastoo ay soo mareen marxalado kala duwan oo dib-u-dhis iyo tayeyn ah.

 

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r