Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo la Kulantay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika

Addis Ababa(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Guang Cong, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika, kulan kaas oo dhacay Intii uu Socday Shirarka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa dib loogu xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo wadajir dhuleedkeeda, iyo hirgelinta xalal ay hoggaaminayso dowladda Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu u rajeeyey Mudane Guang Cong guul iyo horumar xilkiisa cusub, isaga oo muujiyey diyaar-garowga Soomaaliya ee ah in ay si dhow ula shaqayso si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r