Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa booqasho ku tagay Maxkamadda Sare ee dalka Aljeeriya, kadib saxiixii heshiiska is-afgaradka ee lagu xoojinayay iskaashiga garsoorka iyo caddaaladda labada dal.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka hay’adaha garsoorka, is-weydaarsiga khibradaha, iyo adkaynta wada-shaqeynta sharciga ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Aljeeriya.




Be First to Comment