Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo ku guuleysatay ka mid noqoshada golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Addis Ababa (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada u dhaxeysa 2026–2028, taas oo ah guul taariikhi ah oo muujineysa horumarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dib u soo noqoshadeeda kaalinta ay ku lahayd saaxadda qaaradda iyo tan caalamkaba. Doorashada Soomaaliya waxay ka tarjumeysaa kalsoonida iyo taageerada ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen.

Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay musharaxnimadeeda. Taageeradan wadajirka ah waxay muujineysaa iskaashi xooggan iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika nabdoon, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r