Press "Enter" to skip to content

Wasiirka cadaaladda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Aljeeriya

Aljeris (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Shacbiga Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, Mudane Sifi Ghrieb.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, adkeynta iskaashiga laba geesoodka ah, iyo horumarinta wada shaqeynta dhinacyada garsoorka, caddaaladda iyo is-dhaafsiga khibradaha. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda iskaashiga ku dhisan walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dan wadaag.

Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo martigelinta heerka sare ah ee loo fidiyey asaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in kulankan uu xoojinayo saldhigga xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego)

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r