Press "Enter" to skip to content

Shir sanadeedka Garsoorka oo saaka Muqdisho ka furmaya

Muqdisho(SONNA):-Shir sanadeedka 8-aad ee garsoorka Dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, shirkan ayaa inta uu socdo waxa lagu bandhigayaa dood cilmiyeed muhiim ah oo ku saabsan fal dambiyeedka iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada,iyadoo ay ka qayb gelayaan doodan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida,xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo taliyaha Booliiska gobolka Banaadir.

Doodda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha garsoorka, Booliska iyo hay’adaha kale ee amniga, si wax looga qabto dambiyada iyo yareynta saameynta ay ku yeeshaan bulshada.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka iyo hubinta in muwaadiniintu helaan caddaalad hufan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r