Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, taageerada hooyada iyo dhallaanka, kor u qaadista tababarka umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee WHO ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqayn dhow oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xaaladaha adag iyo goobaha nugul.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r