Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka, Mudane Niels Annen, oo ay weheliyaan Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogaga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, amniga iyo arrimaha siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, dardargelinta doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.

Dhankiisa, Mudane Niels Annen ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran, isaga oo adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, kaas oo sii xoogeysanaya.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door firfircoon ka qaadan doonto dadaallada caalamiga ah ee lagu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka, gaar ahaan marka la joogo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay Soomaaliya xubin aan joogto ahayn ka tahay.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r