Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga Deegaanka Moorigaabey, oo hoostaga Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsaday horjooge ka tirsan khawaarijta deegaanadaas ku dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa sidoo kale ka soo furtay gaadiidka loo yaqaan mooto nooca sedex-lugoodka ah.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r