Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Qaahira,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu bilaabatay magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, taasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi oo uu kala hadli doona xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada shacab iyo dowladood, arrimaha gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r