Press "Enter" to skip to content

Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah isugu yimid Guddiyada wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyo guddi matalayey qeybaha bulshada.

Kulankan, ayaa ku yimid codsi ay soo jeediyeen guddi ka kala socdey culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka.  Guddiga ka socdey qeybaaha bulshada ayaa siday  fariimo iyo aragtiyada ay ka qabaan qabsoomida gogoshada wadahadallada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Intii uu socday kulanka, waxaa la is-weydaarsaday xogo iyo warbixinno ku saabsan heerka diyaargarowga gogosha wadahadallada.

Ugu dambeyn, Gudiyadda diyaargarowga shirka wadahadaladda waxay u mahadceliyay culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah
oo qaatay doorkooda, waxa ayna qaddarinayaan talooyinkooda iyo daneyntooda masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan geeddisocodka wadahadallada arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r