Press "Enter" to skip to content

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mudane George Conway, oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeysa Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda, iyo sidoo kale taageeridda qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga dowlad-dhiska, nabadda, iyo horumarka Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r