Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Jabuuti

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, waxaanna ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan dadaallada nabadda, ilaalinta madax-bannaanida iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa xaqiijiyey in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dowladood, isaga oo xusay in Jabuuti ay qeyb ka qaadanayso horumarka Soomaaliya gaar ahaan amniga la-dagaallanka argagixisada iyo taageerada madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r