Press "Enter" to skip to content

Wasiir Fiqi oo qaabilay madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub, Jeneraal, Seán Clancy, oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bogaadinta iyo xoojinta iskaashiga milateri ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada tababarrada ciidamada, sii joogtaynta taageerada kala duwan, iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka iyo AUSSOM.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire, Francesca Di Mauro, iyo saraakiil kale oo ka socday labada dhinac.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r