Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Gadiidka oo qabatay kulan looga tashanayo sidii kor loogu qaadi lahaa Adeegyadda wasaaraddau u qabato Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan looga hadlayey Xaqiijinta adeeg hufan oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo hiigsiga fog ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo kulanka Shir Gudomiyey ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda waxaana ka soo qaybgalay dhammaan Agaasime-waaxeedyada kala duwan Wasaaradda.

Muhiimadda Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xaqiijinta adeeg hufan oo loo qabto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo hiigsiga fog ee Wasaaradda,sida Xoojinta xiriirka shaqo ee u dhexeeya hoggaanka sare iyo agaasime-waaxeedyada kulanka, Wasiirku waxa uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax agaasimaha ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay habsami u socodka hawlaha maalinlaha ah ee Wasaaraddu qabato sida Qorshaha casriyeynta iyo dib-u-dhiska lagu samaynayo xarunta Wasaaradda iyo Istaraatiijiyadda fog ee horumarinta gaadiidka iyo duulista hawada dalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r