Press "Enter" to skip to content

Xubin ka tirsan Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug

Muqdisho(SONNA):-Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ee ilaalada Madaxtooyada Galmudug oo maalmahaan howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka waday aagga deegaanada Labadulle iyo Ceelahelay.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii maleeshiyaadka ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadda ee gobolka Galgaduud, wuxuuna ka yimid dhanka Ceelgaras, isagoo wata Qori iyo Boosh.

Horjooge Cabdiraxmaan ayaa saraakiisha Ciidamada uu isku soo dhiibay u sheegay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay hadda ku jiraan xaalad kala firxad ah, maadaama ay ku jabeen howlgallada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka oo weerarro culus ay uga socdaan cirka iyo dhulka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r