Press "Enter" to skip to content

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Muqdisho,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane  Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhowaynayey carruur tiradoodu dhantahay 25 qof, kuwaas oo dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeeg caafimaad oo dhanka wadnaha ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa uga mahadceliyey Shirkadda Hormuud Salaam Foundation, iyo Safaaradda dowladda Talyaaniga ay ku leedahay Soomaaliya, oo iska kaashaday sidii adeeg caafimaad oo dhammaystiran loogu samayn lahaa carruurta Soomaaliyeed ee waxba looga qaban waayey dalka gudihiisa.

Mudane Jibriil, ayaa dhakhaatiirta qalliimada u sameeyay ku ammaanay dadaalka naf-hurnimadda leh ee ay u sameeyeen carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka muuqato in si wanaagsan loo daweeyay xaalladooduna soo ficnaanayso.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r