Press "Enter" to skip to content

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan, oo muhiim u ah horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka dalka, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya, agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Shirka ayaa diiradda saaraya mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r