Press "Enter" to skip to content

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa guddiyadu ku wareejiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyadoo sidoo kale la gudbiyay shintiriska (jadwalka) doodda soo-jeedimahaasi.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardargelinayo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, si loo helo dastuur dhammeystiran oo ku saleysan wada-tashi, isla-xisaabtan iyo matalaad qaran.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r