Press "Enter" to skip to content

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Arrimaha guddaha dalka Pakistan

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan mudane Mohsin Naqvi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Wasaaradood, iyadoo laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin; wada-shaqeynta dhanka amniga, dowlad-dhiska, dhismaha iyo tayeynta awoodaha hay’adaha iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira arrimaha gudaha iyo bedqabka shucuubta.

Labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi laba geesood ah ee ku aaddan meelaha ay dan wadaagta ka yihiin.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r