Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay qalin-jabinta saraakiil wax ka baranaayey Qadar

Qatar(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta saraakiisha isku dhafka ah ee wax ka baranayay kulliyadaha milateriga ee Dowladda Qatar, oo ay ku jiraan saraakiil Soomaaliyeed.

Munaasabadda, oo ka dhacday Kulliyadda Milateriga Axmed bin Maxamed, waxaa soo xiray Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isaga oo billado guddoonsiiyay saraakiishii ku guuleysatay kaalmaha hore.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xirfadaha iyo aqoonta ay heleen saraakiishan qalin-jabisay ay si weyn kor ugu qaadi doonaan awoodda iyo kartida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa wasiirka ku wehliyay taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r