Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta XFSoo kulan la yeeshay ururka dalxiiska Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha ururka Dalxiiska Soomaaliya (Somalia Tourism Association -SOMTA.

Kulankan ayaa waxaa looga hadley xoojinta dadaalada kobaca dalxiiska Soomaaliya oo kaalin muuqda ka qaadan kara sumcadda dalka, dhaqaalaha, shaqo abuurka isdhexgalka bulshada.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa xubnaha Ururka SOMTA u sheegay in DFS ay muhiimad gaar ah siinayso adeegga dalxiiska, sidaa daraadeedna ay xukuumadda fulin doonto tallaabooyin muhiim u ah dalxiiska Soomaaliya oo la jaan qaadi kara gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay SOMTA iyo hay’adaha kale ee sida gaarka ah isugu xilsaarey kobaca dalxiiska Soomaaliya, oo waayahan dhow soo jiitay warbaahinta caalamka.

Ururka SOMTA ayaa shirkaasi ku soo bandhigay warbixin kooban oo ku saabsan shaqada ay hayaan, iyagoo ku bogaadiyay DFS garab istaagga iyo taageerada adeegga dalxiiska ee dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r