Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal Teleefanka ah la yeeshay dhigiisa Koofur Afrika

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika mudane Cyril Ramaphosa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda gobolka, kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r