Press "Enter" to skip to content

Soomaalida Koofur Afrika ku nool oo helaya Kaarka aqoonsiga Qaranka

Pretoria (SONNA): Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.

Munaasabadda oo ka dhacday gudaha xarunta ayaa xariga waxaa kab jaray Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq, iyadoo goob-joog ka ahaa safiirada iyo shaqaalaha safaarada.

Danjiraha ayaa ku boorriyay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda in ay si hufan ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed ee ka dalban doona kaarka aqoonsiga qaranka xarunta safaaradda.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyey adeegan cusub ee ay dowladdu keentay, gaar ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Koonfurta Afrika, iyagoo si gaar ah uga mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hirgelinta adeeggan oo fududeynaya helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka fadhigooda, taasoo noqotay guul u soo hoyatay Qaranka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r