Press "Enter" to skip to content

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Muqdisho(SONNA):-Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo amniga Caasimadda, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya rag falal dhac ah u geysanaya shacabka.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in ciidanku ay soo xireen eedaysane D/le Liiban Mustaf Aadan, kaas oo ku eedeysan falal dhac isdaba joog ah oo uu ka geystay dhowr degmo oo ka mid ah Muqdisho.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

“Gudaha Caasimadda lama oggola in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ku xadgudba awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagaya, iyadoo ciidamada amniga ee kala duwan ay juhdi badan gelinayaan sugidda amniga Caasimadda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r