Press "Enter" to skip to content

Boqolaal dhallinyaro oo ka qeybgalay ololaha is xilqaan ee nadaafadda caasimadda

Muqdisho(SONNA):-Boqolaal ka mid ah shacabka, gaar ahaan dhalinyarada Caasimadda, ayaa caawa isugu soo baxay bartamaha isgoyska Taleex, iyagoo muujinaya taageeradooda kacdoonka Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda Dalka.

Dhalinyarada isu soo baxday ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay in ay doorkooda ka qaataan hagaajinta, nadaafadda iyo qurxinta Caasimadda, iyagoo muujiyay wacyigelin iyo masuuliyad bulsho oo sareysa.

Ololaha isxilqaanka nadaafadda Caasimadda, oo ay hormuud u yihiin qaar ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada, ayaa noqday mid muujinaya diyaar garowga dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ilaalinta bilicda iyo horumarinta dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r