Press "Enter" to skip to content

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu weheljbayay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cali Ifiye, ayaa kulan la yeeshay Kusimaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Ketema Haile, iyo wafdi ganacsato ah oo uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo fududeynta ganacsiga kalluunka ee u dhaxeeya labada dal, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga ganacsi, kor u qaadista dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed, iyo ka shaqeynta caqabadaha ka hor iman kara isu-socodka badeecadaha kalluumeysiga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta, is-weydaarsiga fursadaha maalgashi, iyo dhisidda hannaan waara oo kor u qaada ganacsiga kalluunka iyo dhaqaalaha buluugga ee labada dal.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r