Press "Enter" to skip to content

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):–Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda Khawaarijta, kaasi oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii ciidamadu heleen xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay khawaarijtu ka wadeen deegaannadaas, waxaana la sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo laga hortagay qorshayaal ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan illaa laga ciribtiro maleeshiyada Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaysa qeybo kamid ah gobolka, iyagoo xusay in amniga guud ee deegaannada la xaqiijinayo.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya xaq-u-dirirka shacabka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Hiiraan.

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r