Press "Enter" to skip to content

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay fuliyeen hawlgal gaar ah oo si qorsheysan loo beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, halka 8 kale gacanta lagu dhigay. Hawlgalka oo dhacay xilli habeen ah ayaa muujinaya kororka awoodda hawlgaleed ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka, taas oo suuragelisay in la ballaariyo hawlgallada laguna gaaro cadowga goob kasta iyo waqti kasta

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r