Press "Enter" to skip to content

Ra’iisulwasaare Xamse oo caawa tegay goobaha lagu nasto ee magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey goobaha lagu nasto ee magaalada, isaga oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka muuqda ee ka hirgalay caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha, oo la caweeyey bulshadii uu la kulmay, ayaa kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalinta uga aaddan adkaynta nabadda, kobcinta horumarka iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Mudane Xamsa ayaa xusay in amniga iyo xasilloonida ka jirta Dhuusamareeb ay saldhig u yihiin horumarka dhaqaale iyo mid bulsho, waxa uuna ku ammaanay ganacsatada iyo shacabka magaalada sida ay uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda Galmudug.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r