Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan khadka Teleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Sucuudiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah  mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaah Al-Sacuud wsiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wadahadalka waxa ay diiradda ku saareen labada wasiir xaaladaha ka taagan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Intii uu socday wadahadalka, Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa uu muujiyey mahadnaq iyo qaddarin ku aaddan mowqifka mabda’a ku dhisan iyo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu ilaalinayo midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Dhankiisa, Amiir Faysal bin Farxaan waxa uu mar kale xaqiijiyey taageerada aan leex-leexadka lahayn ee Boqortooyada ay u hayso madax-bannaanida iyo wadajirnaanta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonida Geeska Afrika.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r