Press "Enter" to skip to content

Deegaanada maamul gobolleedka Hirshabeelle oo maanta ka socdaan isu soo baxyo waaweyn

Muqdisho(SONNA):-waxa weli gobolada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka sii soconaya isu soo baxyada shacabka Soomaaliyeed ku diidan yihiin farogelinta qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday midnimada iyo gobanimada Soomaaliya.

Isu soo baxyada ayaa shalay si xooggan uga dhacay Gobolka Banaadir,maamulada Galmudug,Waqooyi Bari iyo Koonfur galbeed,halka maanta na uu ka socdo Hirshabeelle oo durba meelaha sida weyn looga soo baxay ay ka mid tahay magaalada Beledweyne.

Maanta waxa isu soo baxyo waaweyn ka socdaan gobolada iyo deegaanada Dowlad goboleedka Hirshabeelle halkaas oo shacabka Soomaaliyeed ku soo bandhigayaan shucuurtooda waddanimo ee ay ku difaacayaan midnimada dalka.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn dunida ugu muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay difaacdaan midnimada dalkooda,sidoo kale Beesha caalamka iyo ururrada Caalamiga ayaa dhammaantood ka hor yimid damaca gurracan ee Israa’iil ku farogelisay midnimada dhulka Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r