Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Madaxda Ururada Siyaasadda ee ka Qeyb galay Doorashadii

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay, Doorashadii Taariikhiga ahayd ee Golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir 25-kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Ururada ku bogaadiyay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen hirgalinta hannaanka Dimuquraadiyadda dalka iyo dhabar adeygii ay muujiyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in tallaabadaasi bilow u ahayd, xaqiijinta himmilada weyn ee Soomaaliya Nabad ah, Dimuquraadi ah, Iskufilan, isla markaana horumarsan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta Ururada kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen, Qadiyadda difaaca Qarannimada iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ku booriyay in ay muujiyeen diidamadooda ka dhanka ah damaca gurracan ee kala qaybinta dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhankooda, Madaxda Ururada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay, go’aankiisii dhaxal galka ahaa ee hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si talada dalka dib loogu celiyo shacabka. Sidoo kale, waxa ay tilmaameen in ay dowladda si buuxda ugu garab taaganyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r