Press "Enter" to skip to content

Marwada madaxweynaha JFS oo codkeeda ka dhiibatay Degmada Dharkeenley

Muqdisho(SONNA):-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeedq ka dhiibatay Seejada Xarunta degmada Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir oo ka mid ah goobaha loo asteeyay, cod bixinta dadweynaha iska diiwaan galiyay degmadaasi.

Marwo Sahro ayaa ku tilmaantay Guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jihada horumarka, in 57 sano kaddib Shacabka Caasimadda Muqdisho ay fursad u helaan, in ay codkooda kusoo doortaan Wakiiladooda Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir.

Ugu dambayn, Marwada ayaa ku bogaadisay Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo Hay’adaha Ammaanka dalka, sida xilkasnimada leh ee ay u guteen wajibaadkooda shaqo, isla markaana ay u xaqiijiyeen in doorashadu ku qabsoonto hannaan amni ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r