Press "Enter" to skip to content

Bixinta Kaarka codbixinta oo soo dhammaatay

Muqdisho (SONNA): Ololaha doorashada ee ay wadaan ururada siyaasadeed ee ku loolamaya doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo 25-ka bishan dhici doonta ayaa soo dhammaaday, waxaana sidoo kale xirmay bixinta Kaararka codbixinta, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Cabdikariin Axmed Xasan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in barri oo Arbaco ah aysan jirin wax olole doorasho ah, ayna soo bandhigi doonaan dhowaan tirada codbixiyeyaasha Kaarka qaatay.

Guddiga ayaa in muddo ah ka soo shaqaynayey hirgalinta doorasho dadweyne, taas oo noqonaysa tii ugu horreysay ee dalka ka dhacda nus qarni ka badan.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r