Press "Enter" to skip to content

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane Maxmuud Cabdiraxmaan Beene-beene; iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray u kuurgalidda habsami u socodka qaadashada kaararka cod-bixinta ee doorashooyinka Golaha Deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay inay ka dhacaan 25-ka December magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintu waxay booqdeen goobaha diiwaangelinta, iyaga oo ka war-qaatey howlaha socda, kana dhageystay warbixino ay bixiyeen guddiyada iyo mas’uuliyiinta heer degmo.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirradu waxay bogaadiyeen dadaalka shaqaalaha ku howlan diiwaangelinta iyo kaar-qaadashada, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka si hufan, ammaan ah, isla markaana waqtiyeysan u helaan kaararkooda cod-bixinta. Sidoo kale, waxay ku dhiirrigeliyeen bulshada degmada Warta-nabada inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, una diyaar garoobaan ka qeybgalka doorashada.

Sidoo kale xubno ka tirsan xukuumadda ayaa kormeer ku tagay degmooyinka Dharkeenley, Wadajir, Xamarweyne iyo Shengaani, halkaas oo ay ka socodeen qaadashada kaarka codbixinta iyo ololaha u diyaar garowga maalinta codbixinta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r