Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika

Cairo(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira si uu uga qeybgalo Shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika, oo socon doona maalmaha 19-20 December.

Labada cisho ee shirku socon doono ayaa waxaa isku imaan doona Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika iyo qaar ka mid ah Wakiillada Urur goboleedyada.

Iyadoo la eegayo natiijooyinka shirkii koowaad ee heer Wasiir ee madashani ay ku yeelatay Sochi, Ruushka, bishii November 2024, ayaa waxa uu shirkani diiradda saari doonaa iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r