Press "Enter" to skip to content

Taliyihii hore ciidanka Booliiska oo diray Hambalyo ku aaddan Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska

Muqdisho(SONNA):-Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye, ayaa hambalyo u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleeyda, dableyda iyo qoysaskooda, munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad oo ku beegan maanta.

Sareeye Gaas Shariif ayaa Ciidanka Booliska u rajeeyay guul, horumar iyo dadaal joogto ah, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee la xiriira ilaalinta amniga, sharciga iyo kala dambeynta dalka meel kasta oo ay ka howlgalayaan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r