Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda iyo maareeyayaasha garoonka Aadan Cadde, ayaa shir howleed muhiim ah la yeeshay wakiillada shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya garoonka..

Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayey qorsheyaasha ballaarinta garoonka, dayactirka iyo dhismaha jidadka hareeraha iyo gudaha garoonka, iyo sidoo kale qurxinta bilicda guud ee goobta si loo gaarsiiyo heer caalami ah.

Qodobada muhiimka ah ee laga hadlay:

Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha: Waxaa la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda dhismaha jidadka cusub iyo dayactirka kuwa jira, iyadoo qorshuhu yahay in garoonku yeesho kaabayaal la jaan qaadi kara heerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhexeeya dhammaan shirkadaha, maamulka garoonka, iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo in shaqooyinka horumarinta ay u socdaan si habsami leh.

Waxaa la isku afgartay in si joogto ah loo sameeyo kormeer iyo qiimeyn lagu ogaanayo heerka ay horumarka mashaariicdu marayaan.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka ku doonayso in garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle uu noqdo xarun muhiim u ah duulista hawada ee gobolka, taasoo kor u qaadaysa isku xirka caalamiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r