Press "Enter" to skip to content

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, oo la hadlayay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in maxkamaduhu ay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan tabashooyinka la xiriira xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadin laga duudsiyo inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa xusay in doorashadu ay kamid tahay xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinka, isla markaana qof walba uu leeyahay xuduud sharciyeed aan la dhaafi karin, iyadoo xuquuqdiisana ay waajib tahay in la ilaaliyo. Wuxuu tilmaamay in haddii muwaadin laga hor istaago ama uu waayo xaqii uu u lahaa inuu codeeyo, uu xaq u leeyahay inuu arrintaas u gudbiyo maxkamadaha si garnaqsi loo sameeyo.

“Muwaadinku wuu soo gudbin karaa tabasho, maxkamaduhuna waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan arrimaha doorashada, haddii muwaadinku uu waayo xuquuqdii uu u lahaa inuu codeeyo,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in nidaamka caddaaladdu uu yahay halka lagu xallinayo khilaafaadka sharciyeed ee la xiriira doorashooyinka, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta loona xaqiijiyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.

Dhanka kale, 25-ka bishan ayaa lagu wadaa in shacabka caasimadda Muqdisho ay u dareeraan doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir, sida ay horey u shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r