Press "Enter" to skip to content

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Baay

Baydhabo (SONNA): Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee ka tirsan qaybta 60-aad, oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Cali Maxamed Aadan (Cali Cadaw) ayaa hawlgal istaraatiiji ah ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo ku dhow wadada muhiimka ah ee isku xirta Buur Hakaba iyo Baydhabo.

Hawlgalka oo lagu bartilmaameedsaday sifeynta khawaarijta, ayaa ciidanku ka hortageen dhagaro ay khawaarijtu u diyaariyeen shacabka, iyagoo wadada ka saaray miinooyin halis gelin lahaa nolosha dadka iyo isu-socodka gaadiidka.

Gaashaanle Cali Cadaw, ayaa sheegay in ciidamada ay si guul leh u burburiyeen goobihii ay khawaarijtu ku dhuuman jireen, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo badbaadada shacabka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r