Press "Enter" to skip to content

Qaar ka mid ah ururrada siyaasadda dalka oo maanta soo gudbiyey liiska murashaxiintooda

Muqdisho(SONNA):-Qaar ka mid ah ururrada siyaasadda dalka ayaa maanta si rasmi ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ugu soo gudbiyey liiska murashaxiinta ugu tartamaya doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Ururrada siyaasadda ee liiska murashaxiinta soo gudbiyey waxaa ka mid ah:
Urur Siyaasadeedka Ramaas.
Urur Siyaasadeedka Karaama.
Urur Siyaasadeedka Midowga Soomaaliya Saab.
Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in doorashada soo socota ay u dhacdo si hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan jadwalkii rasmiga ahaa ee guddiga hore u shaaciyey.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ugu baaqay ururrada siyaasadda ee aan weli soo gudbin liiska murashaxiinta inay ku soo gudbiyaan waqtiga kama dambaysta ah ee loo asteeyey, oo ah 10-ka December.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r