Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda  Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, iyadoo uu kulanka goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r