Press "Enter" to skip to content

Soomaaliyo iyo Azerbaijan oo gaaray heshiis lagu horumarinayo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Baku,(SONNA):- Wafdiga ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo uu hoggaaminayay Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tegay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa ee Azerbaijan Mudane Farid Gayibov, waxayna  ka wada hadleen xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada Horumarinta siyaasadaha dhallinyarada,Iskaashiga dhinacyada dhaqanka isdhexgalka dhallinyarada, tababarrada , horumarinta ciyaartooyda iyo Kobcinta mashaariicda dhallinyarada ee labada dal.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in la xoojiyo xiriirka labada wasaaradoo si loo Dhallinyarada jecel ciyaaraha loona daboolo baahiyaha dhallinyarada.

Booqashadan Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha waxay gundhig u tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyada oo la filayo in heshiiska MoU-ga ee la gaari doono uu noqdo mid horseeda horumar muuqda oo dhinacyada dhallinyarada iyo ciyaaraha ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r