Press "Enter" to skip to content

Casho sharaf loo sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan casho sharaf ah oo Magaaladda Muqdisho loogu sameeyey Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda Mudane Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka iyo sidoo kale Xoghayaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r