Press "Enter" to skip to content

wasiirka caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Indonesia u fadhiya Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta magaalada muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, H.E. Witjaksono Adji.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka wasaaradaha caafimaadka ee labada dowladood, iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada caafimaadka, tababarrada iyo horumarinta xirfadlayaasha,, iyo fursadaha lagu ballaarin karo wada-shaqaynta mustaqbalka.

Wasiirka ayaa safiirka la wadaagay sida ay Wasaaradda caafimaadka XFS, uga go’an tahay dhisidda iskaashi wax ku ool ah oo waara, isagoo Safiirka cusub u rajeeyay guul iyo hawl-wanaag mudada uu dalkiisa ku matalayo Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r