Press "Enter" to skip to content

Wasiir dekedaha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka gaadiidka iyo Kaabayaasha Türkiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Ankara kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Türkiga, Mudane Abdulkadir Uraloğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca badda, kor u qaadista kaabeyaasha dekedaha, iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda. Wasiirradu waxay si qoto dheer uga wada hadleen amniga badda, casriyeynta dekedaha, iyo isdhaafsiga tiknoolajiyada, si loo xaqiijiyo in adeegyadaas ay noqdaan kuwo la jaanqaadaya baahiyaha ganacsiga iyo isku-xirka gobolka.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Türkiga soo dhoweynta uu u fidiyay, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo xasilloonida, horumarka, iyo kobaca howlaha badda ee Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r