Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Nuqullo ka Mid ah Waraaqadaha Aqoonsiga Danjirinimo ka Guddoomay Danjireyaal Cusub

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Canada, Finland, Norway ,
Cuba , Spain.

Wasiirku waxa uu safiirradan ugu hambalyeeyey ku soo biirista safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay matalayaan.

Sidoo kale, waxaa uu ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan la leeyihiin soomaaliya, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r