Press "Enter" to skip to content

(title)

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow , ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa lagu xoojiyay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada socdaalka, dalku-galka, iyo horumarinta kaabayaasha adeeg bixinta Hay’adda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fududaynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalku-galka Shiinaha iyo kaalinta Dowladda Shiinaha ee dhismaha kaabayaasha Hay’adda.

Danjire Wang Yu ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirra, isaga oo xusay xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada aqoonta, khibradda, iyo taageerada dhismaha awooda karaanka iyo adeegyada Hay’adda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r