Press "Enter" to skip to content

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Muqdisho(SONNA):-wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay caasimadda Aljeeriya shirka caalamiga ah ee dambiyaynta gumaysiga Afrika, kaas oo ka dhacaya magaalada Algiers, soconayana 30-ka Nofembar ilaa 1-da Diseembar.

Shirka ayaa ujeedkiisu yahay isku keenidda dalalka Afrika ee soo maray heeryadii gumaysiga, si loo xoojiyo aqoonsiga heer caalami ee xadgudubyadii dhacay intii lagu jiray xilligii gumaysiga, loona dejiyo habraacyo wax ku ool ah oo lagu magdhabi karo dhibaatooyinka taariikheed, iyo wax-ka-qabashada uur-ku-taallooyinka iyo saameynta weli ka muuqata qaaradda.

Waxaa la filayaa in shirkani uu ka soo baxo “Baaqa Aljeeriya”, oo ka koobnaan doona soo jeedimo iyo talooyin muhiim ah. Nuqulka baaqan ayaa loo gudbin doonaa Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu qabsoomo bisha Febraayo 2026, si ay madaxda iyo hoggaamiyeyaasha qaaraddu u ansixiyaan

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r